Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegay inay ka baaraan-degayaan sidii dalka Suudaan looga saari lahaa falalka maalgeliya Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Sarkaalkaas oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay inay inay tallaabadaasi qaadi doonaan haddii la arko calaamado muujinaya Isbedel ku yimid dalkaasi iyo in Xilka lagula wareego si heer sare ah.
Maamulka Madaxweyne Trump waxay horey u hakiyeen Wada-xaajoodyo lagu caadiyeyn lahaa Xiriirka Suudaan, kadib, markii ay Milliteriga dalkaasi isbuucii hore afgembiyeen Madaxweyne Cumar Albashiir
Wareegga Labaad ee Wada-xaajoodka Maraykanka iyo Suudaan ayaa la hakiyey, kaasi oo qorshuhu ahaa in la qabto dabayaaqadda bishan April, kadib, markii ay Golaha Milliteriga haya talada dalka Sudan sheegeen inay xilka hayn doonaan muddo 2 sanno, lana qaban doono Doorasho Madaxweyne.
Dowladda Maraykanka waxay Suudaan ku dartay Liiska dalalka maalgeliya Argagixisadda sannadkii 1993-kii, xilligii uu Madaxweyne Bill Clinton hayey talada dalkaasi.
Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka waxay cunaqabatayntii Dhaqaale ee 20-ka sanno saarnayd dalka Suudaan ka qaadeen sannadkii 2017-kii.