Maraykanka oo xiray nin loo haytsto weerarka diyaaraddii ku burburtay Scotland, sannadkii 1988

Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dembi-baadhista ee FBI inay gacanta ku hayaan sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Liibiya oo loo haysto inuu sameeyey bambkii soo riday, diyaaraddii rakaabka ee Maraykanku lahaa ee sannadkii 1988-kii ku burburtay magaalada yar ee Lockerbie ee ku taalla Scotland, sarkaalkan ayaa loo soo gacan geliyey dawladda Maraykanka, waxaana haatan la qorshaynayaa in maxkamad la saaro.

Ninkan oo lagu magcaabo Abu Agela Mascud Kheir al-Marmimi ayaa xadhigiisu ka dambeeyey, ka dib dedaal muddo socday oo la doonayey in caddaaladda lagu horkeeno, si loogu maxkamadeeyo dembiga loo haysto. Laba sano ka hor ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha Maraykanka ee xilligaas William Bar, uu ku dhawaaqay dembiyo lagu soo eegayo eedaysane Mascud, iyada oo loo hayso inuu farsameeyey bamkii ku qarxay diyaaradda la soo riday.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: