Maraykanka oo sheegay in Al-shabaab qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Maraykanka

Saraakiisha Ammaanka ee Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Taageeradda ay Somalia iyo dalalka Bariga Afrika ka siinayaan sidii ay isaga caabin lahaayeen Dagaalka Alshabaab.

Qoraal ay soo saareen Saraakiisha oo aan magacyadooda la shaacinin waxay si cad u sheegeen inay Alshabaab qorsheynayaan Weeraro ay ku qaadaan Maraykanka iyo saaxiibadooda dalalka Gobalka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Ciiddanka Maraykanka sii wadi doonaan inay adeegsadaan dhamaan AWoodaha loo fasaxay si ay dadka Maraykanka uga badbaadiyeen iyo inay fashiliyaan cabsida waxa ay ugu yeereen Argagixisada, waa sida ay hadalka u dhigeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media