Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Peter Kook ayaa sheegay in Waaberigii hore ee saakayto la burburiyey 3 goobood oo ay Xuutiyiinta ku cabsi gelinayaan Maraakiibta ka gooshaysa Gacan-biyoodka Baabul-mandab ee Badda cas.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Barack Obama bixiyey amarka duqeyntaasi oo ay ka codsadeen Xoghayaha Difaaca, Ash Karter iyo Jeneral Josef Dunford.
Markabka Dagaalka Maraykanka ee USS NITZE ayaa la sheegay inuu saqdii dhexe ee xalay Gantaalladda nooca Tomahawk ku burburiyeen Saldhigga Raadaarka iyo Gantaalladda ee ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ka weeraraan Maraakiibta isticmaala Badda Cas.
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta maalintii Axadda ee la soo dhaafay Gantaalo ku weerareen Markabka Dagaalka Maraykanka ee USS Mason, kaasi oo ka badbaaday duqeyntaasi.
Shalay ayey Xuutiyiinta waxay mar kale duqeeyeen Markabkaasi oo ay ku rakiban yihiin Gantaalladda la hago, lamana soo sheegin khasaaraha soo gaaray Markabkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, waa Duqeyntii ugu horreysay ee ay Maraykanka u geysteen Maleeshiyadda Xuutiyiinta ka dagaalanta gudaha dalka Yemen.
©Radio Dalsan