Saraakiisha Isku-dhafka ee Hay’addaha Ammaanka Kenya ee u xil saaran Hawlgalka Kaymaha Boni Forest ayaa sheegay inaysan muddo 3 bilood ah helin wax mushaar ah, isla markaana ay haysato cunto-xumi baahsan.
Qaar ka mid ah Saraakiishaasi oo la hadlay Wargeyska The Star ayaa ku eedeeyey Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Jospeh Boinnet inuusan doonaynin inuu ka dhegeysto cabashadooda, si ay u helaan Mushaaraadka ka maqan 3-da bilood.
Saraakiisha waxay ka codsadeen Taliyaha Boliska inuu la xisaabtamo Saraakiisha Sarsare ee Xarumaha Dhexe ee Boliska ee mas’uulka ka ah Mushaar la’aantaasi.
Saraakiishaasi oo ka hawlgala Deegaanka Basuba, Milimani, Ishakani, Usalama, Baure, Malalani, Kiangwe, Manghai iyo Kiunga ayaa loogu talagalay inay ilaalo iyo Hawlgal ka hayaan Kaymaha Boni Forest, halkaasi oo ay inta badan ka hawl-galaan Dagaalamayaasha Alshabaab ee weeraradda ka geysta gudaha dalka Kenya.
Dhinaca kale, Afhayeenka Boliska Kenya, George Kinoti oo Saxaafadda wax ka weydiisay mushaar la’aantaasi ayaa ku gaabsaday inuu dabagal ku samayn doono arrintaasi.
©Radio Dalsan