• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 1, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(MAQAAL): SHIRKII KISMAAYO:  SIDAAN KUUGU LISAY, IIGUMA AAD HAMBAYN.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 20, 2016
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaan shalay galab ka soo noqday shirkii muranka badnaa ee 7da beri qaatay ee ka dhacay magaalada Kismaayo, xarunta KMG Jubaland, inta u dhaxaysay 10ka ilaa 17ka Janaayo 2016.

Qabsoomida shirkan waxaa looga dan lahaa in Maamullada la aqoonsan yahay ee dalka ka jiro iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya ku heshiiyaan qaabka xulashada Xildhibaannada Baarlamaanka Qaranka, kuwaas oo goorta la gaaro bisha September 2016 soo dooran doona Madaxweynaha cusub DFS.

Shirka Kismaayo, ama Shirka Madasha Wadatashi Qaran, dood dheer kaddib waxaa la isku mari waayey qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada baddeli lahaa kuwa hadda jooga.

Qodobada la isku mari waayey waxaa ka mid ahaa in Baarlamaanka Soomaaliya lagu soo xulo nidaamka qabiilka ee 4.5 oo si adag u taageersanaayeen madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo qaar ka mid ah madaxda Dawladda Federaalka, halka Puntland iyo Juballand si xooggan u doonaayeen in laga tallaabsado habka qabiilka 15 sano dalku lagu dhaqayay, loona gudbo  nidaamka deegaanka si xildhibaanada ay noqdaan kuwo mateli kara deegaanada ay kasoo jeedaan, isla markaasna lala xisaabtami karo.

Sidoo kale, shirka Kismaayo waxaa fashiliyay kala aragti-duwanaanshada qaab-dhismeedka Aqalka Sare ee Federaalka iyo kan Golaha Shacabka oo ay isku wada haystaan Maamullada iyo DFS. Labadan awoodood sida loo dhisi lahaa, loona kala qaadi lahaa ayaa ka mid ah arrimaha keenay in shirku guul darro la qarin ku soo dhamaado.

Waxaan filayaa in dadwaynaha Soomaaliyeed ka wada dheregsan yihiin in Shirka Madasha Wadatashi Qaran ee Kismaayo uusan dalka wax la taaban karo u soo kordhin, madaxdii shiraysana sii kala fogaadeen, heshiis la’aanta la gaari waayana sii fududeenayso faragalinta qaawan ee shisheeyaha.

Sababaha fashilka keenay, waxaa ka mid ah ahaa; 

Tallada Madasha oo lagu soo koobay madax dhammaantood murashixiin 2016 ah, xubno Barlamaan ee la soo xushay iyo madax maamul goboleedyo an sharci ku dhisneyn badankoodu.Waxaa haboonaan lahayd in xubinnimada Madasha la ballaarsho oo lagu daro Madax-waynayaashii hore ciddii ka nool , Ra’iisul Wasaare-yaashii  soo shaqeeyey iyo indheer- garad Kale. Nin dan gaar ah leh,dan guud ka tali lama dheho.

Wax yaabaha ka xasilay fashilkaas, waxaa ka mid ah;

a.Qabyaalad iyo is-xulufaysi cusub oo u eg tii waqtigii 1991.

b.Ciil siyaasadeed oo Jubbaland tabaneyso lana rabo in Baydhabo looga aar guto. Hadday Kismaayo fashilan tahay  an aragno Xikmadda Baydhabo keento.

c.Madaxda oo is indho -buuxin doonin hadda kaddib. Haddii Madaxweyne joogistiisu wax weyn ahaan jirtey -maanta waa nin caadi ah oo weliba dadkiisa ka mid ah.

d.Waqti dhumay iyo malaha khiyaamo iyo deg-deg waqti dambe  looga faa’iideysan doono.

e.Niyad jab iyo quus ummadda saameysay oo loo fasiri karo “Somali cidna uma maqna ceelna uma qodna ”

F.Beesha caalamka oo ku qanacday Somali ma tashan karto oo waa qabaa’il an dawlad noqon karin ee ha loo taliyo. Taasi waxay keeni kartaa in dawladnimo iyo karaamaba naga dheeraadaan.

Amniga Kismaayo oo gacanta Soomaalida ku jirey intii uu shirku socday

Marka laga soo tago muran iyo fashilka hareeyey shirka, haddana waxaan Kismaayo ku arkay waxyaabo lagu ammaani karo  Jubaland oo kow ka ahayd sida loo maareeyay amniga intii uu shirku socday. Waa markii ugu horeysay shir noocaan ah lagu qabto magaalada Kismaayo oo hadda ku sugan ciiddamo dhawaan la keenay ka socda Dawladda Itoobiya kana mid ah AMISOM, iyagoo horay u sii joogeen ciiddamada Keenya iyo kuwa Burundi oo labadu ka wada tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Caasimadda KMG ah ee  Jubbaland waxay marti-galisay ku dhawaad 300 boqol ergooyin Soomaaliyeed oo isugu jiray madaxda ugu sarreeyo dalka, maamul-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan bulshada, kuwaas oo kala yimid guud ahaan Soomaaliya.

 

Kismaayo  ammaankeeda waxaa gacanta ku haya Ciidammada Maamulka Jubbaland, iyadoo inta uu shirku socday meel walba oo kamid ah magaalada lagu arkeyey ciidamo Soomaali oo ammaanka sugayay. Shirkan wuxuu ahaa kii ugu horeeyey la qabto oo ciiddamo shisheeye amniga sugaynin, waxana shirkan kuwii ka sii horeeyey ee ka dhacayay magaalada Muqdisho guud ahaan amnigoodu gacanta ku hayay Ciidamadda Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Guud ahaan shirkii Kismayo wuxuu daah fur u ahaa fashil nooc cusub ah ee gacmaha madax Somalia noo soo maray .Allow Sahal ammuuraha illaa hadda khatarta ka dhalatay shirkii Kismaayo waa ka culus tahay faa’iidadii laga filahayay.Allow na badbaadi.

Qore: Ahmed-nur Mohamed

E-mail [email protected]

Fiiro Gaar: Aragtida Maqaalkan waxa uu u gaar yahay Qofka ku saxiixan, mana aha Aragtida Shabakadda radiodalsan.com

 

Previous Post

Somalia: Alshabab shot an old man in front of a huge crowd

Next Post

Somali-Kenyan ku ganacsada Xaafadda Eastleigh ee Nairobi oo la xiray.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

June 30, 2025
Duqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir
Warar

Duqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir

June 30, 2025
Wasiirro Sare oo Soomaaliyeed oo Booqasho Shaqo Ku Tegay Tanzania
Warar

Wasiirro Sare oo Soomaaliyeed oo Booqasho Shaqo Ku Tegay Tanzania

June 30, 2025
Israa’iil oo Amartay Qax Degdeg ah oo ka dhaca Waqooyiga Qaza, Iyadoo Weerarro Cusub ay Socdaan
Caalamka

Israa’iil oo Amartay Qax Degdeg ah oo ka dhaca Waqooyiga Qaza, Iyadoo Weerarro Cusub ay Socdaan

June 30, 2025
Saraakiisha Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub oo Kulan Istaraatiiji ah Yeeshay
Warar

Saraakiisha Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub oo Kulan Istaraatiiji ah Yeeshay

June 30, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Garoon, Dekad iyo Xarunta Dayax-gacmeedka ee Shabeellaha Dhexe
Warar

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Garoon, Dekad iyo Xarunta Dayax-gacmeedka ee Shabeellaha Dhexe

June 29, 2025
Next Post

Somali-Kenyan ku ganacsada Xaafadda Eastleigh ee Nairobi oo la xiray.

PM Hamsa Barre Lays Foundation Stone for Somalia’s Ministry of Fisheries and Blue Economy Headquarters

PM Hamsa Barre Lays Foundation Stone for Somalia’s Ministry of Fisheries and Blue Economy Headquarters

by Gesey Liban
June 30, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In a strategic move aimed at boosting Somalia’s marine-based economy, Prime Minister Hamsa Abdi Barre today officially...

Somalia Deploys U.S.-Backed PISCES Border Control System to Modernize Immigration and Bolster National Security

Somalia Deploys U.S.-Backed PISCES Border Control System to Modernize Immigration and Bolster National Security

by Gesey Liban
June 30, 2025
0

Mogadishu, Somalia – Somalia has officially launched a sophisticated immigration management system known as PISCES (Personal Identification Secure Comparison and...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

by Ilhaan
June 30, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha...

Muqdisho’s Road to Progress: Mayor Lays Foundation for Key Paved Road Connecting Banadir Junction to Wadajir District

Muqdisho’s Road to Progress: Mayor Lays Foundation for Key Paved Road Connecting Banadir Junction to Wadajir District

by Gesey Liban
June 30, 2025
0

MOGADISHU – In a bold stride towards urban development, the Mayor of Mogadishu and Governor of Banadir Region, Dr. Xasan...

PM Hamsa Barre Lays Foundation Stone for Somalia’s Ministry of Fisheries and Blue Economy Headquarters
English News

PM Hamsa Barre Lays Foundation Stone for Somalia’s Ministry of Fisheries and Blue Economy Headquarters

June 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Deploys U.S.-Backed PISCES Border Control System to Modernize Immigration and Bolster National Security
English News

Somalia Deploys U.S.-Backed PISCES Border Control System to Modernize Immigration and Bolster National Security

June 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

June 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Muqdisho’s Road to Progress: Mayor Lays Foundation for Key Paved Road Connecting Banadir Junction to Wadajir District
English News

Muqdisho's Road to Progress: Mayor Lays Foundation for Key Paved Road Connecting Banadir Junction to Wadajir District

June 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Strengthens Diplomatic Ties with Tanzania Through High-Level Ministerial Visit
English News

Somalia Strengthens Diplomatic Ties with Tanzania Through High-Level Ministerial Visit

June 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Duqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir
Warar

Duqa Muqdisho oo Dhagax-Dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir

June 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • PM Hamsa Barre Lays Foundation Stone for Somalia’s Ministry of Fisheries and Blue Economy Headquarters
  • Somalia Deploys U.S.-Backed PISCES Border Control System to Modernize Immigration and Bolster National Security
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-Dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
  • Muqdisho’s Road to Progress: Mayor Lays Foundation for Key Paved Road Connecting Banadir Junction to Wadajir District

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00