Guddoomiyaha magaalladda Ankara, Erkan Topaka ayaa sheegay in Labo Maleeshiyo oo midi haweeney ahayd is-qarxiyeen, xilli ay Boliska hareereeyeen.
Isagoo la hadlayey Telefishinka CNN TURK Waxa uu tilmaamay in Maleeshiyadaasi la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda PKK diyaarinayeen gaari miineysan, si ay ugu fuliyaan Weerar Is-qarxin ah.
Dhinaca kale, Boliska waxay sheegeen inay goobta uu qaraxu ka dhacay oo 30 KM u jirta magaalladda Ankara ka heleen 200 oo Kiilo oo waxyaabaha qarxa.
Qarax Khamiistii hore ka dhacay meel ku dhow Saldhig Bolis oo ku yaalla magaalladda Istanbul waxaa ku dhaawacantay 10-qof.
©Radio Dalsan