Qoraalka Bilaha ee Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka Hawlaha Smaafalka ee OCHA ayaa lagu sheegay in 9 Shaqaale Samafal lagu dilay qalalaasaha ka aloosan dalka Somalia muddadii u dhexeysay Bilihii Janaayo ilaa September ee sannadkan.
Cadadka Wargeyskaasi ee bishan ayaa lagu sheegay inay Shaqaalahaasi ku geeriyoodeen in ka badan 100 shilal iska horimaad oo ka dhacay qeybo ka mid ah Goballadda Somalia.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in 11 Shaqaale Samafal lagu dhaawacay iska horimaadyadaasi, halka 3 kalena la afduubtay 9-kii bilood ee la soo dhaafay.
Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka Hawlaha Smaafalka ee OCHA waxay kaloo sheegtay in qalalaasaha dhinaca Ammaanka ee ka jira Somalia dhibaato ku hayaan nolosha dadka Rayidka ah iyo sidii Gargaar Aadminimo lagu 0gaarsiin lahaa
Dhinaca kale, Xafiiska OCHA waxa uu tilmaamay inay caqabad kale kala kulmaan dad doonaya in si khasab lagu shaqaaleeysiiyo, kuwaasi oo cabsi geliya dhaqdhaqaaqyadda xorta ah ee Hawlaha Samafalka.
©Radio Dalsan