Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho
Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Albaabka hore ee Iskuulka Mucaasir, kana soo horjeeda Dugsiga sare ee Banaadir, wuxuuna Caafimaad deg deg ah Alle uga baryay inuu siiyo dadka dhaawacyada soo gaareen.
Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay Maamulka iskuulada Munaasir oo waxyeelo kasoo gaartay 7 Carruur ah oo kamid ah Ardyda Iskuulka iyo burburka gaaray Iskuulka oo gebi ahaan dumay…
Sheekh Shariif ayaa hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay xoojiyaan xaqiijinta amniga, isagoona intaas kusii daray in wax la aqbali karo aysan aheyn in maalin kasta la dhibaateeyo shacabka, haddane aanan lala xisaabtamin hay’adaha ku shaqada leh.
Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku naf-waayay ugu yaraan 10 qof, halka 17 qof kalena ay ku dhaawacmeen oo ku jiraan Ardayda Iskuulka Munaasir, waxaana mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-shabaab.