Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inuu Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Benigno Akuwiino uu geeriyooday Waaberigii hore ee saakayto oo Khamiis ah.
Akuwiino oo 61-jir ahaa waxaa isbuucii hore la dhigay Isbitaalka, iyadoo dhowr bilood ka horna Qaliin looga sameeeyey Wadnaha.
Telefishinka ABS-CBN News waxa uu baahiyey in Akuwiino Khamiistii hore la dhigay Isbitaalka uu saakayto ku geeriyooday.
Benigno Akuwiino waxa uu ahaa Madaxweynihii 15-aad ee dalka Filibiin muddadii u dhexeysay 2010-kii ilaa 2016-kii, ka hor inta uusan Xilka kaga wareegin Madaxweynaha haatan ka taliya dalkaasi ee Rodrigo Duterte.