Gobolka Bariga dhexe waxaa ka taagan xiisad weyn oo colaadeed ka dib markii dowladda mareykanku ay jimcihii Khaarijisay Qaasim Suleymaani oo ahaa sarkaal sare oo Iiraan ah.
Dowladda Iiraan waxaa ay wacad ku martay in ay ka aar gudan doonto mareykanka, xalay waxaa la weeraray qadka cagaaran ee magaalada Baqdaad halkaas oo ay ku yaalaan dhowr saldhig iyo safaaradda Mareykanka ee Ciraaq, sidoo kale garoonka diyaaradaha ee Balad oo ay ku yaalaan guryaha xoogagga Mareykanka, inkasta oo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay farriin uu ku sheegayo in Mareykanka uu soo ogaaday 52 goobood oo qaarkood aad muhiim ugu ah Iiraan iyo dhaqanka Iiraaniyiinta, isla markaana ay weerari doonto dowladiisu.