Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska DANAB iyo gorgor oo kaashaanaya ciidanka Deegaanka oo iyana ka soo baxay degmada Ceel-dheer ayaa howlgalo ka sameyay deganka howdley oo duleedka degmada Xarardheere.
Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa inta uu socday howlgalka waxa ay kusoo qabteen oo gacanta lagu dhigay 150 jiirgaan oo shidaal ah oo halkaasi dooni keentay, isla markaana loo waday deegaano ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidanka Xds ayaa Warbaahinta Ciidamadda u sheegay in cidanka ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ku luglahaa soo dejinta shidalka kuwaasi oo baaritano ay ku socdaan.
Al-Shabaab ayaana hub , shidaal iyo saanado kalaba kala degta dhulka xeebta ee kuyaalla xadka ay wadaagaan degmooyinka Xarradheere iyo Ceeldheer ee ka kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Dowladda Soomaaliya ayaa go’doomisay degmooyinka iyo deegaannada ay maamulaan Al Shabaab, waxa ayna dowladda mamnuucday in Al Shabaab loo geeyo shidaal, daawo iyo saanadaha kale ay u baahan yihiin.