Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo weli ka socda Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee Badda iyo kuwa Kenya, kaasi oo ku yaal Gobolka Lamu ee waddanka Kenya.
Weerarka oo ahaa mid ku bilowday Qaraxyo ayaa waaberigii hore ee saakay rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada oo lagu magacaabo Camp Simba, waxaana socda dagaal u dhexeeya Ciidanka halkaas ku sugan iyo Al-shabaab.
Sawirro laga soo qaaday Gudaha Saldhiga laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa lagu arkayaa qiic iyo Uura Madoow oo cirka isku shareertay, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la xaqiijin inta uu la egyahay.
War qoaal ah oo ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Enlgish-ka oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarka ka socda Saldhiga Ciidamada Mareykanka ee Badda iyo kuwa Kenya ee Camp Simba.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka iyo Kenya ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay uga hadlayaan weerarkaas.