Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Wasiirkii hore ee Amniga Dowladda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo mar soo noqday Wasiirkii hore ee amniga dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdullaahi Maxamed u magacaabay inuu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka hortagga iyo La dagaalanka waxa loogu yeero Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor