Maxkamadeynta Sarkaal Ciidan oo loo heysto Qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo Maanta bilaabatay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida  ayaa maanta dhageysatay dacwadda loo heyso Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalkan ayaa wajahaya eedo la xiriira qaraxyo dad badan oo shacab Soomaaliyeed ah ku dhinteen, kuwaasi oo dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, qaraxyada ayaan kuwo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey walxo qarxa.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo bandhigay in ninkan uu ku biiray Al-shabaab, isla markaasna uu fududeeyay qaraxyo lagu laayay dad aan waxba galabsan, kana dhacay magaalada Muqdisho sannadkii 2019.

Xeer ilaalinta ayaa xustay in Kabtan Shariif oo ka tirsan ciidanka xoogga uu ku biiray dagaalamayaasha Al-shabaab, ka dib markii laga qaaday xilkii uu ka hayay Ciidamada dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida,  Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga, isaga oo sheegay in ay Maxkamadda go’aan ka soo saari doonto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor