Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti ku wajahan iyo ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan dalka Jabuuti, waxaana hadda socota qaban qaabada ku aaddan safarka madaxweynaha.

Ujeedka Safaraka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah, ka qayb galka munaasabadda xeritaanka Shirka Heritage, oo maal mihii aynu soo dhaafnay ka socday magaalada Djabuuti ee Caasimadda dalka jabuuti.

Waxaana horay Shirkaasi qayb ka ahaa Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dowladda Xasan Sheekh, kuwaasi oo isugu jira Wasiiro,Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dalka Jabuuti uga sii gudbi doona dalka Mareykanka oo uu ka dhacayo Shirka Afrika iyo Mareykanka ee looga hadlayo arrimo uu qayb ka yahay Ganacsiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor