Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta oo is-afgarad hordhac ah ku gaaray Muqdisho

Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, kadib markii ay dhacday Munaasabaddii Caleema-saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka.

Kulanka ayaa waxaa uu looga hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal, Arrimaha Amniga socdaalka iyo xuduudka loo fududeeyo gargaarka bani’aadanimada ee u baahan in si degdeg ah loogu gurmado dadka ay saameysay Abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuro Kenyatta ayaa isku afgartay in la dardar-geliyo wadashaqeynta labada dal, isla markaana waxaa uu Madaxweynaha Kenya sheegay inuu Xasan Sheekh kala shaqeyn doona hagaajinta xiriirka iyo Arrimaha ganacsiga.

Kulnka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Agaasimayaasha Hey’addaha Socdaalka labada dal, waxaana lagu balamay in labo todobaad kaddib la isugu yimaado kulamo horay loogu sii ambaqaadayo is afgaradka hordhaca ee labada Madaxweyne ay gaareen.

Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana dhacday in xitaa la xiro safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor