Madaxweynaha Maamukl Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Hirshabeelle, waxaana xilkaas uu u magaacabay Cabduqaadir Abuukar Maxamuud.
Xilka Wasiirkii Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Hirshabeelle ayaa waxaa horay u hayay Cali Xaaji Cabdulle, waxaana xilka looga qaaday wareegto kasoo baxaday madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.
Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta ku howlan fatahaadaha uu sameynayo wabiga shabeelle.