Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi ayaa sheegay inuu Madaxweyne Barack Obama la kulmay Guddiga Ammaanka Qaranka, waxayna isla eegeen Tallaabadda Milliteri iyo qorshaha kale ee laga qaadi karo Syria, iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka Syria iyo Raashiya weli sii wadaan Duqeymaha ay ku hayaan Bariga magaalladda Aleppo.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inuuMadaxweyne Obama go’aansanin inuu amar ku bixiyo in la duqeeyo Bar-tilmaameedyadda Milliteriga Dowladda Syria.
Madaxweyne Obama waxa uu La-taliyayaashiisa si toos ah u sii wadaan Wada-xaajoodka ay la leeyihiin Dowladaha muhiimka si xal Diplomasi loogu dhameeyo Dagaalka Sokeeye ee Syria.
©Radio Dalsan