Saraakiisha Dembi-baarista Maraykanka ee FBI ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen 3 nin oo Maraykan ah, kuwaasi oo qorsheynayey inay qarxiyaan Masjid iyo Dhismooyin ay ku nool yihiin in ka badan 100 qof oo Muslimiin u badan Somali, kuna yaalla Degmadda Garden ee duleedka magaalladda New York.
Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Maraykanka, Tom Beal iyo Sarkaal ka tirsan Waaxda Gaarka ee FBI-da, Eric Jackson oo shalay galab qabtay Shir Jaraa’id ayey ku shaaciyeen inay qabteen saddexda nin ee fulin lahayd qaraxaasi.
Eedeysanayaasha loo xiray falkaasi ayaa lagu kala magacaaba : Curtis Allen oo 49-jir ah, Gavin Wright oo 49-jir ah iyo Patrick Eugene Stein oo 47 jir ah, waxayna dhamaantooda ka soo jeedaan K/galbeed ee Gobalka Kansas.
Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Maraykanka, Tom Beal waxa uu tilmaamay inay Raggaasi qorsheynayeen inay Weerarkaasi fuliyaan bisha soo socoto ee November 9-da, oo ku beegan maalinta ku xigta maalinta ay dhacayso Doorashadda Madaxtinimadda Maraykanka.
Waxa uu intaasi ku daray inay Eedeysanayaasha qorsheynayeen in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa dhigaan afarta dhinaca ee Masjidka iyo Dhismaha ay deggan yihiin Soomaalida iyo Muslimiinta ee Degmadda Garden.
Boliska FBI-da waxay kaloo heleen Kayd ballaaran oo qoryo fudud iyo rasaas oo ay Eedeysanayaasha ku fulin lahaayeen Weerarkaasi.
Sidoo kale waxaa la helay Qoraal ay Eedeysanayaasha diyaariyeen si ay u daabacaan marka ay fuliyaan Qaraxaasi kadib.
Eedeysanayaasha ayaa la sheegay in lagu soo oogay Fal-dembiyeedka Isku-day weerar Argagixiso oo ka dhaca gudaha Maraykanka.
Dhinaca kale, Mujtamaca Soomaalida ee ku nool Degmadda Garden ayaa ka argagaxay markii ay maqleen qorshaha lagu qarxin lahaa Masjidka ay ku cibaadaystaan iyo Dhismayaasha ay ka deggan yihiin Garden City.
C/qaadir Maxamed oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Bulshadda Soomaalida ku nool Garden ayaa tilmaamay inay aad uga walaaceen dhacdadaasi, isla markaana ay dadka Soomaalida oo dhan ku sugan yihiin guryahooda.
Waxa uu intaasi ku daray inay Degmadda Garden tahay meel wanaagsan oo la dejiyey Qaxootiga Soomaalida, balse, waxa uu xusay haddii ay la kulmayaan dhibaatooyinkaasi oo kale inay habboon tahay inay raadsadaan Deegaano kale oo Ammaan ah.
©Radio Dalsan