Madaxweyne Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

 

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda golaha wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor