Maxamed Xaashi Cabdi Carabey Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada ka taagan Gobolada Sool iyo Sanaag ee u dhexeeysa maamulada Puntland iyo Somaliland.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa war qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku leeyahay uga hadlay arrinaas,isla markaana wuxuu dowladda Federaalka Soomaalia ugu baaqay inay hoos u eegto waxa ka dhacaya Gobolada Sool iyo Sanaag.
“Dowlada Soomaaliya Waa inay Hoos u eegtaa waxa ka dhacaya Gobolada Sool iyo Sanaag”ayuu yiri Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.
Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa ku muransan maamulada Puntland iyo Somaliland,isla markaana waxaa ka taagan Colaad u dhexeeysa labada dhinac,taasi oo ku aadan khilaafka xuduudaha.