Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Qaabilay wafdi ka socda hay’ad Caalami ah

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda WFP Soomaaliya Cesar Arroyo.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada maamulka  Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo saraakiil kale.

Inta kulanku socday ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu waa weynaayeen kaalmada Bini’aadantinimo iyo mashaariicda kale ee WFP Puntland ka wado iyo sidii loo dardargelin lahaa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media