Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Aqalka sare oo kulmay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare  Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mowliid Xuseen Guhaad.

Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in labada Mas’uul ay ka wad hadleen arrimo la xariira doorashooyinka soo aaddan ee la filayo in dhawaan ay dalka ka dhacaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media