Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow Magaalada Dhuusamareeb ku doortay Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee Maamulka Galmudug.
Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo loo soo gudbay wareega labaad ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax, halka ay xilkaas ka tanaasuleen laba Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Xaashi Carabey iyo Saadaq Cabdullaahi Xaashi.
Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee Galmudug ayaa doortay inuu noqdo Cali Daahir Ciid oo helay 46 Cod, halka Musharaxii kale ee la tartamay ee Cabdiqani Sh Cali Diini uu helay 31-cod.
Doorashada ayaa waxaa isaga haray laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cabdi Xaashi Carabey oo wareega Koowaad helay 2 Cod iyo Musharax Saadaq Cabdullaahi Xaashi oo isna helay 7 Cod, iyagoona shaaciyay inay ka tanaasuleen u tartanka Doorashada.
Waxaa Goor sii hore oo Maanta ah xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug loo doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kaasi oo helay 66 Cod, waxaana Musharaxaas uu ahaa mid ay wadatay dowladda Federaalka Soomaaliya.