Laba Musharax oo ka tanaasulay u tartanka xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug

Waxaa weli Xarunta Shiirkole ee Magaalada Dhuusamareeb ka socota Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana xilkaas ku tarmaya ilaa  iyo Shan Musharax.

Wareega koowaad ee Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka labaad ayaa waxaa isugu soo baxay ilaa Afar Musharax oo ku jiray Musharax Maxamed Cabdi Xaashi Carabey.

Hayeeshee Musharax Maxamed Cabdi Xaashi Carabey oo wareega Koowaad helay 2 Cod iyo Musharax Saadaq Cabdullaahi Xaashi oo isna helay 7 Cod ayaa shaaciyay in labadooda ay ka tanaasuleen u tartanka xilka Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Galmudug.

Wareega ugu dambeeya ee Doorashada ayaa isugu soo haray labada Musharax oo kala ah Cali Daahir Ciid iyo Cabdiqani Sheekh Cali Diini, kuwaasi oo midkood ku guuleysan doono xilka Madaxweye ku-xigeenka labaad ee Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media