{Xusuusin}:- “14 ka October, Maalintii mugdiga aheyd ee ‘Musiibada Qaran’ inagu dhacday, dhowr usbuuc kadib waa ay sanad jirsan doontaa”

Bulshooyinka dunida ayaa ka siman maamusidda maalmo qaran oo isugu jira mahadhooyin iyo meerto-xilliyeedyo dahabi ah.

Thaabit Cabdi Maxamed, duqii hore ee Muqdisho oo lagu xusuusto kaalintii firfircooneyd ee uu ku lahaa gurmadkii la sameyay kadib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Soomaaliya inta la ogyahay, ayaa muujiyay sida uu wali ula damqanayo dhibaneyaasha dhacadadii Zoobe.

Gudoomiye Thabit oo aan wali dhigi astaantii caseyd ee uu gacanta ku xirtay kadib weerarkaasi ayaa war uu soo dhigay tirsigiisa uu ku leeyahay barta Facebook waxa ku celiyay tacsi uu u diray kuwa ay saameysay musiibada nagu habsatay 14 ka October.

“14 October 2017 waxay aheyd maalintii ugu murugada badneyd abid ee umaddeena soo martay, waxaa mar qura isbedelay waxwalba; hooyooyin ayaa caruurtoodii aasay, naafoobay ama gabi ahaanba waayay. Caruur baa iyagana waalidkoodii aasay amaba waayay. Riyadii dhalinyarada Soomaaliyeed, rajadii dalka iyo raasulmaalkii shacabka ayaa qaddar gudihiis si arxan la’aan ah loo dhaawacay. Hanti hadalkeedaba daa! Naxariistii janno Allaha siiyo dhamaan”, ayuu sheegay qoraalka.

Waxa uu intaas ku daray, “Waa maalin mudan in aan si weyn u xusuusanaa inaga oo mid ah una mideysan xurmeynta dadkeenii musiibadaasi aafeysay. Waxay aheyd #MusiiboQaran, waxaa xigay #GurmadQaran, waxaanu uga gudubnay #MidnimoQaran”.

Hadalkiisa oo uu ku soo beegay ku-dhawaad 4 todobaad ka hor gu’ jirsiga musiibadaasi ayuu si guud ugu boorriyay in loo guntado sidii wadajir loogu muujin lahaa kuwii aafadu taabatay.
“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelwaliba oo ay dunida ka joogaan; saqiir iyo kabiir, shacab iyo dowlad in si mid ah, niyadsan isla markaana damqasho bini’aadannimo leh ugu diyaar garownaa xusuusta maalintan xanuunka badan ee #14kaOctober”, ayuu qoraalka yiri.
Xusuusinta maalintan iyo eray-bixinnada ka dhashay ayuu saaray sumadda afar-gees ama hash tag si uu u muujiyo, waxa uuna ku soo gunaanaday. “#Xusuusta14kaOctober-Mahad-badan”.
In ka badan 600 oo qof ayaa ku nafwaayay ama raqdooda la waayay qarax gaari xamuul oo ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zobe ama KM 5, ma jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka laakin dowladda Soomaliya ayaa ku eedeysay Al-shabab, iyagana iskama fogeyn.

Lamaanayaal, walaalo wada socday, dad indho u ahaa xubnaha kale ee qoysaskooda oo lagu tiirsanaa ayaa maalintaas la waayay, kuna darsoo qoysaska qaar qadarta ayey iska qaateen oo ma helin raq iyo ruuxna midna, xubnaha aan xusuustooda ka go’i doonin!

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor