Madaxweynaha dalka Namiibiya, HAGE GEYNGOB iyo Xaaskiisa, MONIKA GEYNGOS ayaa la xaqiijiyey inay nadiif ka yihiin Coronavirus.
Hadal-qoraal oo uu Xoghayaha Warbaahinta ee Madaxtooyada dalkaasi, ALFERDO HENGERI xalay soo saaray ayuu ku sheegy in Baaritaankii u dambeeyey ee Lamaanahaasi uu muujinayo inay bad-qabaan, inkastoo loo baahan yahay inay Is-karantiilaan ilaa ay si buuxda uga bogsadaan Xanuunkaasi.
Madaxweynaha dalka Namiibiya, HAGE GEYNGOB iyo Xaaskiisa, MONIKA GEYNGOS waxaa Toddobaadkii hore laga helay COVID 19, kadib, markii Baaritaano lagu sameeyey.
Dalka Namiibiya waxa laga diiwaan geliyey in 55,812 qof laga helay Xanuunkaasi, halka ay 854 kalena u geeriyoodeen, sida laga soo xigtay Xogta Jaamacadda JOHNS HOPKINS ee Maraykanka.