Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Jowhar kulan casho sharaf ugu sameeyay qaar kamid ah Senatorada cusub ee Aqal Sare Baarlamaanka Federaalka ee Maamulkaas.
Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa waxaa uu marka hore Madaxweyne Cali Guudlaawe Senatorada cusub ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday Magaalada Jowhar.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Senatorada Hirshabeelle ku metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka kula dardaarmay inay u shaqeeyaan bulshada Hirshabeelle, kana shaqeeyaan Midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
“Waxan ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen waxaana kula dardaarmay inay u shaqeeyaan bulshada Hirshabeelle kana shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka hadlay kulanka.
Kulanka Casho sharafta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yusuuf Axmed Hagar Daba-geed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu doorto labada Sanatar ee harsan, si ay u dhameystiranto 8 Sanatar ee Aqalka Sare Baarlamaanka ku matala dowlad Goboleedka Hirshabeelle.