Madaxweyne Farmaajo “Waxaa bilaaban doona mashaariic lagu horumarinayo tirada iyo tayada ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa shalay kormeer ku tegay carunta Xabsiga Dhexe iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ugu horreyn ku ammaanay ciidanka iyo taliska asluubta sida ay u xanaanneeyaan carruurta marka hore aheyd darbi-jiifka ee waddooyinka Muqdisho iyo kuwa laga keenay gobollada qaar. Madaxweynaha ayaa sheegay in ilaalinta xuquuqda carruurta iyo daryeelkooduba ay masuuliyad ka saaran tahay dowladda, wuxuuna ku ciidanka Asluubta ku dhiirra-geliyey howlaha ay hayaan.

“Waa mid ammaan mudan heerka aan maanta ka taaganahay ilaalinta xuquuqda maxaabiista, Soomaaliya oo muddo bur-bursaneyd in maanta xabsiyadeenna ay leeyihiin adeeg walba, laguna daryeello maxaabiista, waa horumar billoow ah , waxaa innaga go’an inaan sii joogteyno oo aan sii horumarinno isla markaana wax barno ciidankeenna dedaalkaas badan muujiyey, dhowaanna waxaa bilaaban doono mashaariic lagu horumarinayo tirada iyo tayada ciidanka Asluubta Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dalka ayaa ballan-qaadey in hadda wixii ka dambeeya mushaaraadka ciidanka joogto loo bixin doono isla-markaana miisaaniyadda dowladda lagu dari doono ciidanka Asluubta , si ay u helaan xuquuqdooda.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo dhamman Taliska Asluubta Juhdiga ay galiyeen dhismaha iyo tayeynta ciidanka. Madaxweynaha aya kula dardaarmay ciidanka Asluubta in ay sii laba-laabaan gudashada waajibkooda iyo u adeegida Shacabka Soomaliyeed.

-Dhammaad-
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: [email protected]
www.villasomalia.gov.s

IMG-20170226-WA0012
IMG-20170226-WA0004
IMG-20170226-WA0003
IMG-20170226-WA0001
IMG-20170226-WA0013

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media