Taliyaha Taliska Dhexe Milliteriga Maraykanka ee Afrika (US Africa Command), General Thomas Waldhasuer ayaa hadalkaasi sheegay, iyadoo ay Waaxd Gaashaandhiga Maraykanka doonayan in Awoodda loo kordhiyo Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan gudaha Somalia.
Taliyahaasi waxa uu tilmaamay inay Maraykanka u arkaan Fusad muhiimn ah inay la shaqeeyaan Madaxweyne Farmajo, si loo tababaro Ciiddanka Ammaanka Somalia heer ay awoodi karaan inay qaadaan mas’uuliyadda Hawlgalladda ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Hadalka Taliyahaasi ayaa yimid, iyadoo Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka loo gudbiyey Codsi ku aadan in la kordhiyo Awoodda Ciiddanka Maraykanka ee Dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabab.
Awoodahaasi ayaa la sheegay inay ka mid tahay in la kordhiyo Tiradda Ciiddanka Maraykanka ka joogo Somalia iyo in Hawlgalladda noqdaan kuwo looga hortagayo Weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadaan Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.
Dadaalka lagu xoojinayo Awoodda Milliteri Maraykanka ee Somalia ayaa timid, iyadoo Mdaxweyne Donald Trump ka codsaday Pentagon-ka sidii loo ballaarin lahaa qorshaha Dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah Kooxda Daacish-ta ku sugan dalalka Syria iyo Iraq iyo sidii looga guuleysan lahaa Kooxaha kale, sida Alqaacida iyo Ururradda kale ee Isbahaysiga la leh
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo oo ah Muwaadin haysta Dhalashadda Maraykanka ayaa sheegay inay ugu yaraan 20-sanno qaadan doonto sidii Somalia loogu soo celin lahaa Deganaanshaha iyo Xasilloonida dhamaystiran.
Somalia waxay ka mid tahay 7-da Waddan ee Muslimka ee uu Madaxweyne Donald Trump bishii hore ku soo rogay Xayiradda Socdaalka ee ay ku tegi jireen Maraykanka.
©Radio Dalsan