SAWIRO : Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo uu dab xooggan ka kacay.

Abaarihii 04:00 Habeenimo ee Saqdii Dhexe ee xalay ayaa la sheegay inuu dab xooggan ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah Ganacstadda ku sugan Suuqaasi.

Ololka iyo Uuradda dabkaasi ayaa ilaa iyo xilligan laga arkayaa Hawada Sare ee Suuqaasi, wuxuuna dabku baab’iyey goobo ganacsi oo u badnaa Jingado.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu dabku xoogiisa ka bilowday Carwadda  Ganacsiga ee Al-khaliifa ee Bartamaha Suuq-weynaha Bakaaraha.

Gurmad xooggan ayaana xalay ilaa iyo haatan socda, si loo damiyo dabkaasi.

Kooxaha Dab-damiska ayaana dadaal xooggan u galay Daminta Suuqa, inkastoo ay ciriiri kala kulmeen Jidadka Suuqa oo aad u ciriiri ah, isla markaana habenkii la dhigto Gaari-gacmeedyo iyo gaadiidka kale.

Ma cadda sababaha rasmiga ee uu dabkaasi ka kacay, mana aha markii ugu horreysay ee uu dab ka ololo Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Suuqyadda ku yaalla dalkeenna Hooyo iyo Geeska Afrika.

Wixii ku soo kordha, kala soco Radio Dalsan Insha Allaahu.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media