Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Qoyska Bush iyo Shacabka Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi waxa uu u diray qoyskii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George HW Bush.

Qoraal uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Bartiisa twitte-ka ayaa waxa auu ku sheegay in George HW Bush uu ahaa Nin dowladeed,isla markaana ku dadaalayay Nabada Dunida.

“Aniga oo ku hadlaya Magaca Shacabka Soomaaliyeed waxaan Shacabka Mareykanka iyo Qoyska George HW Bush uga tacsiyadeynaa geerida Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka oo ahaa nin ilaalin jiray dimuqraadiyadda ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor