Dhageyso:-Sheekh Cali Wajiis Mucaaradka Dowladda laba ayay u qeyb samaan”

Sheekh Cali wajiis oo ka mid ah  Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dadka mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya ay u kala qeyb saman laba qeybood,hayeeshee u baahan mid ka mid ah in laga hortago.

Waxa uu sheegay in mucaaradka koobaad ay yihiin kuwa hubeysan sida,Al-Shabaab iyo Daacish oo amniga qalqal gelinaayo,isla markaana dagaalka kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan mucaarad siyaasadeed oo dhiibanaya fikirka ay ka qabaan hadba xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Dhinaca kale Sheekh Cali Wajiis ayaa beeniyay in dhawaan uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay awood u adeegsato Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda,kuwaas oo lagu baahiyay Baraha Bulshada.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah HCulumada Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa dad badan ay sheegeen in uu yahay Shaqsi taageersan lana dhacsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Cali Wajiis.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor