Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa 9,Bishii July ee Sanadkan waxa uu Jaamac Maxamed Qaalib waxa u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada Dowladda Soomaliya kadib Munaasabad ka dhacday Dugsiga tababarka ee Gen,Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
10,kii July ee isla Sanadkaan Jaamac Maxamed Qaalib ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in xilkaas uu horay uga Cudur daartay islamarkaana uu iskacasilay.
Maanta oo ah 3 Bisha Agoosto 2017 Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa Magacaabay Guddiga taakuleynta Ciidamada iyo lataliyaashiisa,waxana Booskii uu baneeyay Jaamac Maxamed Qaalib loo magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse.