Madaxweyne Farmaajo oo Masuul kale u Magacaabay xilkii uu iska casilay Janaraal Qaalib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa 9,Bishii July ee Sanadkan waxa uu Jaamac Maxamed Qaalib waxa u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada Dowladda Soomaliya kadib Munaasabad ka dhacday Dugsiga tababarka ee Gen,Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

10,kii July ee isla Sanadkaan  Jaamac Maxamed Qaalib ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in xilkaas uu horay uga Cudur daartay islamarkaana uu iskacasilay.

Maanta oo ah 3 Bisha Agoosto 2017 Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa Magacaabay Guddiga taakuleynta Ciidamada iyo lataliyaashiisa,waxana Booskii uu baneeyay Jaamac Maxamed Qaalib loo magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media