Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa boggaadiyey sida ay kusoo dhammaadeen Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed ay yihiin rajada Dalka, sidaas darteedna ay muhiim tahay in dhiiri gelin iyo garab istaag mar walbo loo muujiyo.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dar-daarmay ardayda Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Dugsiyada sare ee dalka in ay dadaalaan, si ay uga gudbaan Marxaladaha muhiim ah ee Noloshooda, qeybna uga noqdaan Gacmaha dhisaya dalkeenna.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey ardayda Dugsiyada sare ee dalka inay guuleystaan, Natiijo fiicanna ay ka keenaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dawladda.