Maraykanka oo sheegay in duqeyntii Xeradda Alshabaab qeyb ka tahay Nidaamka Is-difaaca.

Xoghayaha Ciiddanka Cirka ee dalka Maraykanka, Deborah Lee James ayaa ka hadashay duqeymihii ay la beegsadeen Xero lagu tababaro Alshabaab oo ku taalla Deegaanka Rasso ee duleedka Degmadda Buulo-burte.

Waxay duqeymahaasi ku tilmaamtay mid caadiyan qeyb ka ah Nidaamka Isdifaaca ee looga hortago Khataraha ku soo fool leh Maraykanka iyo Isbahaysigiisa.

Hadalkeeda ayaa soo baxay, iyadoo uu Afhayeenka Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka “The Pentagon” sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa Droneska ee MQ-9 Reaper Drones ka qeyb galeen Hawlgalka lagu duqeeyey Xeradda Tababarka Alshabaab ku leeyihiin Deegaanka Raaso oo qiyaas ahaan 195 KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka Pentagonka, Captain Jeff Davis waxa uu tilmaamay inay muddo dhowr isbuuc ilaalo ku hayeen Xerada, lana soo ururiyey Macluumaadka dhinaca Sirdoonka, ka hor inta aan la fulinin duqeymahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Duqeymahaasi kaga hortageen Khataro ku soo fool Xerooyinka Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Somalia.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay duqeymahaasi ku dileen 150 dagaalyahano ka tirsan Alshabaab, isagoo dhinaca kale meesha ka saaray inay duqeymahaasi khasaaro ka soo gaareen dadka rayidka ee ku nool Tuulladda la duqeeyey ee Rasso.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor