Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan Magalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa la filayaa in uu halkaasi kula kulmo amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad.
Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad ayaa labaduba waxa ay tahay markii ugu horeysay ay tagaan dalka Talyaaniga,waxaana  socda qorsho ay ku kulmayaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashadiisa dalka Talyaaniga waxa ay qaadaneysaa mudo Saddex Cisho ah,halka amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad uu isna halkaasi joogo doono mudo laba Cisho ah.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xubnaha safarka ku wehliya Madaxwene Farmaajo wax fah faahin ah kama bixin kulanka la filayo inay dhexmaro Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar.