(Warbixin): Kenya oo sababo amni-xumo u hakisay Dhismaha Safaaradooda ku taalla Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibedd ee Kenya, Amina Maxamed ayaa u sheegtay Guddiga Difaca iyo Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka dalkaasi in sababo dhinaca amni la’aanta loo hakiyey Mashruuca lagu dhisayey Safaaradda Kenya ee ku taalla Somalia.

Waxay tilmaamtay in la joojiyey Dhismahaasi oo ay ka koobnan lahaa  Qeyb Xafiisyo ah, Guriga uu degi lahaa Safiirka iyo 4 guri oo loo dhisayey Shaqaalaha ka hawl-galayo Safaaradda.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedd ee Kenya, Amina Maxamed waxay sheegtay in Dhismaha Safaaradda la bilaabay bishii  August ee snnadkii hore, lana filayey in la soo gebagebeeyo bishii December ee sannadkii hore.

Waxay kaloo sheegtay in Go’aanka dib loogu dhisayo Ergadda Kenya ee Somalia inay taageero ka geysan doonto Dib-u-dhiska Somalia, iyadoo dhawaan la doortay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Safaaradda Kenya ee Somalia waxay haatan ka hawl-gashaa gudaha magaalladda Nairobi, gaar ahaan Dhismaha NSSF.

Bishii March ee sannadkii 2014-kii ayey Dowladda Kenya sheegtay inay qorsheynayso in dib loo furo Safaaradda ay ku lahaayeen magaalladda  Muqdisho, si ay u kordhiyaan Galaangalkooda Diplomaasiyadeed ee Somalia.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya,. Mwai Kibaki ayaa sannadkii 2003-dii Danjire u magacaabay Somalia markii ugu horreysay tan iyo Burburkii Dowladnimo ee  Somalia sannadkii 1991-kii.

Xigasho:- Business Daily Africa

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media