Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ee Soomaaliya James Swan iyo Francisco Madeira.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.
James Swan iyo Madaxweynaha Puntland Saciid ayaa sigaar ah uga wada hadlay sida lagu xalin karo khilaafka doorashada iyo Shirka ka dhacaya Xerada Xalane ee Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ee looga hadlayo doorashada.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa maalmo kahor soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoona u yimid ka qeyb galka shirka Madaxda, isla markaana degay xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Caasimadda dalka ayaa isla kulan la qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, iyagoona ka wada hadlay arrimo kala duwan.
Beesha Caalamka ayaa wada dadaal xoogan oo ay ku dooneyso inay Madaxda Soomaalida heshiis rasmi ah uga gaaraan doorashada dhaceysa, isla markaana Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada cadaadis ku saaraya inay shirar kala duwan yeeshaan.