Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa sheegay in ay suuragal tahay in dagaalamayaasha Al Shabab, ay askar nool ku qabsadeen werarkii ka dhacay jeegaanka Janale ee Gobolka Shabelada hoose, 1 bishaan September.
Mr Yoweri Museveni, ayaa wariyaasha usheegay in 19 askeri lagu dilay werarkaasi, halka 6 kalena la la’yahay, inkastoo Al Shabab ay sheegeen in ay werarkaasi AMISOM ay kagaga dileen 50 askeri.
“ waxaa jira qaladaad ay sameeyeen askarteena, taliyaasheena waa ay hurdeen, waxkale ma aysan jirin, saraakiishaasina waxaan ka joojinay shaqooyinka, ayuu hadlkiisa sii raaciyay isagoo suxufiyiinta kula hadlayay, deegaanka Tokyo, halkaasoo uu booqaday.
Yoweri Museveni, ayaa jooga dalka Japan halkaasoo uu dowlada dalkaasi kala hadlaayo arimaha Ganacsiga, iyo maalgalinta dalkaasi.
Dowada Uganda ayaa waxaa ay kamid tahay wadamada ay ciidamada ugu badan ka jooga soomaaliya.