Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in uu maalinta beri ah booqasho ku gaaro dalka jabuuti.
Safarka Madaxweyne farmaajo uu ku gaaraayo dalka jabuuti ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo booqashada uu ku tagaayo Dalka Jabuuti ayaa waxa ay salka ku heysaa xoojinta xiriirla soo jireenka ah ee ka dhexeya labad dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka,iyadoo ay jirtay in dowlada Jabuuti ay ka carootay hadal uu Madaxweyne farmaajo sheegay xili uu joogay dalka Eritrea,isagoo ku baaqayay in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.