Ra’isul-wasaaraha Somalia oo lagu wado in markii ugu horreysay loo magacaabo Haweeney.

Waxaa isa soo taraya wararka sheegayo inay suurto-gal tahay in Madaxweyne Farmaajo xilka Ra’isul-wasaaraha u magacaabi doono Drs. Maryan Qaasim Axmed oo Guddoomiye ka ah  Xisbiga Tayo.

Xisbigaasi waxaa  asaasay Madaxweyne Farmaajo sannadkii 2012-kii

Hadal-qoraal oo ay Drs. Maryan Qaasim.soo dhigtay Barteeda Twitterka ayey ku sheegtay inaysan Somalia xilligan diyaar u ahayn in la magacaabo Ra’isul-wasaare Haweeney ah oo ka soo jeeda Dadka laga tiro badan yahay.

Waxay intaasi ku dartay inay dadaal u geli doonan sidii ay awoodooda isugu geyn lahaayeen sidii ay Madaxweyne Farmaajo.ugu taageeri lahaayeen.

Arrintaasi darteeda ayaa waxaa laga yaabaa in Drs. Maryan Qaasim loo magacaabo Xuilka Ra’isul-wasaaraha Dowladda cusub, iyadoo ay noqon doonto markii ugu horreysay ee Taariikhda Somalia haddii qof Haweeney ah loo magacaabo.

Drs. Maryan Qaasim Axmed waxay horey u soo qabatay Xilalka Wasiirnimo ee Caafimaadka, Waxbarashadda, Dhallinyarada iyo Sport-ga, iyo Arrimaha Qoyska ee Dowladdii KMG iyo Dowladda Federalka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo waxaa ku  adkaan doonta haddii uu qof Dumar u magacaabo xilka Ra’isul-wasaaraha sida uu isku waafijin lahaa Xilkaasi iyo Awood-qeybsiga 4.5

Haweenka wey ku dulman yihiin dhinaca Siyaasadda, waxaana horey looga boobay inta badan Kuraastii BFS ee loo qoondeeyey, mana helin 30% sida horey la isugu raacay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media