Maanta oo Sabti ahi waxaa xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa ka furmaya kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhigga, isagoo ka jeedi doona khudbad la wada sugayo.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in kulanka maanta uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, wuxuu mar kale si adag uga hadli doonaa damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo arrimo kale oo masiiri ah, sida dastuurka.
Maalmaha soo socda waxaa dib u bilaabaneysa doodii dastuurka, baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay meel mariyaan cutubyo hor leh, ilaa 5 cutub ayaa hadda diyaarsan, kuwaas oo golaha la marsii doono maalmaha soo socda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey 4-tii cutub ee baarlamaanku horey u meel-mariyay.
Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyo qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwo muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka.