Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey Munaasabada xuska 18 May oo Sanadkaan ay soo hormariyeen ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalkii saakay ee deegaanka tukaraq.
Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay soo weerareen 23 Jeer Saddexdii bilood ee ugu dambeysay balse ay iska difaaceen.
Waxa uu sheegay in dagaalkii saakay ay Soomaaliland ku dhiiratay in ay iska difaacdo,isaga oo sheegay in ay dhabar jebin doonaan sidii ay isaga difaaceen Maxamed Siyaad Barre oo kale sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa u cadeynayaa Shacabka Soomaaliland in Maanta aan gaarnay guulo waaweyn,hub farabadana aan ku furanay ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.
Goordhow la socda Codka Madaxweynaha Soomaalialnd.