Sawirro:-Guddoomiye Eng. Yarisow “15-ka May waa maalintii Halganka iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed”

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan

munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada iyo sannadguuradii 75-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay meel sare uga jiraan xil walba horumarinta dalkooda, gaar ahaan waqtigii xornimo-doonka iyo hadda oo dalka uu soo kabanayo. Isagoo xusay in maalintan ay xusuusineyso dhalinta Soomaaliyeed sida loogu baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo si looga dhabeeyo riyadii geesiyaashii SYL.

“15-ka May waa maalintii Halganka iyo Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay sidii ay waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga, caawana waxaan halkan u joognaa si aan u muujino taariikhdaas qiimaha badan iyo doorkii waddaninimo ee ay muujiyeen dhalinyaradii SYL“. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Caasimadda oo ka hadlayay mustaqbalka dhalinyarada maanta ayaa xusay in weli ay fursaddu hortooda taal, maadaama ay dadka Soomaaliyeed ka yihiin %75 maamulkiisuna uu diyaar ula yahay wax walba oo lagu hagaajinayo mustaqlkooda dalkana lagu horumarinayo. Maamulka Gobolka ayaa hirgeliyey mashaariic shaqo abuur loogu sameeyey dhalinyarada, iyadoo maamulka loo daadejiyey degmooyinka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirro, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa Caawa 12:50am xiliga Muqdisho Ubax dhigay Taallada SYL, iyagoo ku dheeraadeen qiimaha uu maanta ugu fadhiyo bulshada Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media