Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani waxa uu shalay la kulmay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/lalahi Farmaajo oo maalmahan booqasho ku joogay daalkaasi.
Labada Hoggaamiye waxay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Dal, Xaalladaha Ammaanka ee Mandiqadda,Taageeradda ay Dowladda Qatar siinayso DFS iyo Xiisadda Somalia iyo Qatar kala dhexeyso Imaaraadka.
Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani waxa uu Twitter-kiisa @TamimBinHamad soo dhigay Qoddobadii ay Madaxweyne Farmaajo ka wada hadleen iyo sida ay Dowladda Qatar uga go’an tahay Taageeridda DFS iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Waxa uu tilmamaay in Xiriirka Somalia iyo Qatar yahay mid Walaaltinimo iyo Xushmad Wadajirta.
“Dowladda Qatar waxay sii wadi doontaa Taageeradda Midnimadda, Deganaanshaha, Madax-bannaanida iyo Wanaagga dadka Soomaaliyeed†ayuu Twitter-kiisa ku soo qoray Amiirka dalka Qatar.
Dhinaca kale, Socdaalka Mdaaxwweyne Farmaajo ku tegya dalka Qatar ayaa ah booqashadii ugu horreysay tan iyo markii uu dillaacay Khilaafka Khaliijka bishii June 5-dii ee sannadkii hore.
DFS waxay horey u sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar kala dhexeeya Qatar.