Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Itoobiya, safarkaas oo qaadan doona maalmo kooban.
Ujeedka safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa ka warbixiyay Afhayeenka Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo sheegay in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka kale.
“waxa uu madaxweynuhu Itoobiya kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana Magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed”. Ayuu yiri Maxamuud Warsame.
Sidoo kale waxa uu afhayeen Maxamuud Warsame sheegay in safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u danbeeyey, safarkan madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo kooban waxaana ku wehelinaaya madaxweynaha safarkan xubno ka mida golaha wasiirada.