Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau,.

Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal.

Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen.

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socda Shirka 33-aad ee Madaxda dowladaha iyo Dalalka ku mideysan Midowga Afrika, waxaana shirkaas ka qeyb galeysa Madax Caalami ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media